(Madrid) 27 Mar 2018. Zinedine Zidane waxa uu dib tababarka kooxda ugu helay Luka Modric kaddib markii uu Croat-ka ka ku soo laabtay Valdebebas.
Isaga oo aan loo ogolaan in uu xulkiisa u dheelo kulankii saaxiibtinimo ayuu Modric dib u bilaabay tababarka kooxdiisa isaga oo ku roday gagida oo dhan.
Benzema, Theo, Llorente iyo Kiko, sidoo kale wey soo laabteen waxa ay dhammeysteen xalqaddii kowaad ee tababarka.
Is kululeys ayey ku bilaabeen hadana waxa ay uga gudbeen raacashadada iyo banooni taabashada halka ay ku soo gabagabeeyeen hal taabasho iyo laba taabsho.
Real Madrid waxa ay diyaar garow ugu jirtaa kulanka adag ee ay Champions League-ga wareeggiisa sideed dhammaadka la ciyaarayaan Juventus.
Gool FM.