(Madrid) 29 Maarso 2018. Christian Karembeu laacibkii hore ee qadka dhexe Real Madrid ayaa carabka ku adkeeyay in Real Madrid ay tahay naadiga kaliya ee ku guuleysan kara Champions League kal ciyaareedkan.
Los Blancos ayaa isha ku heysa inay soo xareysato koobka dhaga waynaha sanadkii saddexaad oo xiriir ah, Juventus ayayna usbuuca soo socda ku wajihi doontaa wareega sideed dhammaadka.
Iyadoo ay jirto inay tartanka weli baaqi ku yihiin kooxaha tunka wayn sida Bayern Munich, Barcelona iyo Manchester City, Karembeu ayaa sheeganaya in kooxdiisii hore ay tahay tan ugu cad cad inay mar kale soo xareyso Champions League.
“Xitaa ha i waydiin su’aashaas. Kaliya Real Madrid ayaa ku guuleysan karta Champions League, waana intaas,”. Karembeu ayaa sidaa u sheegay Omnisport.
“Real Madrid waxay tagi doontaa Kiev, Haa, laakiin waxaan garaneyn kooxda la ciyaari doonta.”.
Gool FM.