(England) 02 Abriil 2018. Liverpool ayaa arbacada Anfield ku marti galineysa Manchester City lugta hore ee wareega sideed dhammaadka Champions League.
Tababare Pep Guardiola ayaa sheegay in aysan ka cabsaneyn oo kaliya Khatarta Maxamed Saalax oo balse ay sidoo kale ka cabsanayaan kuwa weerarka kala ciyaaraya ee Mane iyo Firmino.
“Ma ahan oo kaliya Maxamed,” Macallinka reer Spain ayaa sidaa yiri.
“Mane iyo Firmino, saddexdooda waa lama joojiyaal. Waa kuwa cajiib ah.”.
Wiilka Reer Masar ayaa kal ciyaareedkan dhaliyay 37-gool dhammaan tartamada halka Mane iyo Firmino ay wadar ahaan dhaliyeen 38-gool.
Saddexda weeraryahan ee baxarka ah ayaa shabaqa wada tagay kulankii ay ka adkaadeen Manchester City horyaalka Premier League iyadoo ay Liverpool tahay kooxda kaliya ee guul darro miday wiilasha Pep Guardiola.
Gool FM.