(Manchester) 26 Abriil 2016. Manchester City waxa ay gaareen afar dhamaadkoodii ugu horeeyey Champions league, laakiin shaqada adag iminka ayey bilow tahay.
Maxaa yelay 180-ka daqiiqo ee soo socda oo ay dheeli doona koobka qaarada waxa ay ku sameyn doonaan taariikh u qoranta iyaga oo ka hor imanaya kooxda ugu guulaha badan koobkan Europe, tan ugu qanisan dunida.
Quwada kooxda Bernabeu, sida taariikhdeeda guuleed, uma baahna in la magac dhabo,. Qof waliba waa yaqaan waxa uu karo Cristiano Ronaldo, maxase dhici kara hadii aadan raacin Gareth Bale oo dhererkiisu yahay 5 cag iyo lix inji.
Laakiin, waa in City ay diirada saarta tamar daridooda dhinaca kale, gaar ahaan, ka faa’ideysigeeda iyaga oo awoodeeda adeegsanaya.
Hadaba sidee ayey City ku joojin kartaa Real? Qoraaga the Mirror ee ku sugan Madrid Ed Malyon ayaa SADDEXDAN QAAB U QISHAY CITY.
Caburiya Luka Modric
Jid gooyo u dhigta kubaddaha soo gaaraya mucjisadda Crotia, hadii loo ogolaado in Luka uu kubadda hel helo, markaa Real looma maara heli doono.
KA FAA’IDEYSTA FIRAAQADA UU GADAAL KA BANEEYO MARCELO
Daafaca reer Brazil waa bixid badan waxa uuna jecel yahay ka qeyb qaadashada duulaanka kooxda.
Is aragyadoodii Roma, Salah ayaa wado ka sameystay.
Hadii Raheem Sterling oo taam ah ama Sergio Aguero ka ag qaraabtaan City wax waa ka heli karaan halkaas.
Afarta dambe dhiga daafacyo dheer dheer oo ciriir ika sameeya
Weerarka Los Blancos waa rag dhaa dheer, sida Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale, hadii xal loo waayo ama lagula dagaalami waayo hawada sare, hawsha ma sahlana.
Gool FM.