(Madrid) 02 Abriil 2018 Taageerayaasha Real Madrid ayaa doortay shaxda ay jecel yihiin in tababare Zidane uu kala hortago habeen dambe kooxda Juventus.
Wargayska Marca ayaa ka dhex sameeyay ra’yi uruurin in kabadan 60 kun oo ah taageerayaasha kooxda boqortooyada Spain ka hor kulanka habeen dambe.
Inta badan waxay isku raaceen in keyd la galiyo Karim Benzema iyo Gareth Bale kulanka Juventus, waxayna codsadeen in la ciyaarsiiyo Isco iyo Asensio.
Shaxda ay doonayaan taageerayaasha Real Madrid in kooxdoodu ay ku ciyaarto habeen dambe:
Goolhaye: Navas.
Difaac: Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo.
Qad dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Asensio.
Weerar: Isco, Ronaldo.
Gool FM