Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

HORDHAC: Sevilla vs Bayern Munich

$
0
0

(Europe) 03 Abriil 2018. Sevilla oo soo jajabsatay Manchester United ayaa caawa mininkeeda ku marti qaadi doonta kobo waynta Jarmalka ee Bayern Munich lugta hore ee wareega sideeda Champions League.

Wararka Labada Dhinac:

Sevilla waxaa ganaax uga maqnaan doona xiddigeeda qadka dhexe ee Ever Banega kaa oo ka soo muuqday dhammaan kulamadeeda Champions League ee kal ciyaareedkan.

Daafacooda Sebastien Corchia ayaa isna ku maqnaan doona dhaawac Gumaarka ah.

Bayern Munich waxaa weli ka maqan goolhaye Manuel Neuer, sidoo kale waxaa dhaawacyo qaba Xiddigooda qadka dhexe Kingsley Coman iyo Daafacooda Juan Bernat.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Sevilla vs Bayern Munich (Lugta hore ee wareega 8-da Champions League)

Goobta: Ramón Sánchez-Pizjuán

Goorta: 9:45 Habeenimo

Garsoorka: Daniele Orsato (Italy)

Xaqiiqooyinka Kulanka:

◾Waa markii ugu horreysay ay Sevilla iyo Bayern Munich ku kulmaan tartamada Yurub.

◾Bayern Munich Afartii jeer ee ugu dambeysay Champions League waxaa tartanka ka reebayay kooxo ka soo jeeda Spain.

◾Sevilla wax guul darro ah lama kulmin shantii kulan ee ugu dambeeyay Champions League (2-guul iyo 3-bar baro).

◾Sideeda kooxood ee isugu soo haray Champions League kal ciyaareedkan, Sevilla waa kooxda ugu liidata dhanka heerka shuudadka lala beegsado goolka (10.1%), halka Bayern ay tahay tan ugu fiican (12.7%).

◾Tababaraha Bayern Munich Juup Heynckes ayaa adkaaday 11-kii kulan uu ciyaaray Champions Leauge isagoo tababre ah, waana waqtigii ugu dheeraa Taariikhda tartanka.

◾Dhaliyaha Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa dhaliyay 22-gool 28-kulan uu ka soo muuqday Champions League tan iyo bilowga 2015-16.

◾Camaaliqada Jarmalka ayaa kulankii 17-aad ka soo muuqaneysa sideed dhammaadka Champins League.

Safafka Macquulka ah ee Sevilla vs Bayern Munich:

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles