(Europe) 04 Abriil 2018. Barca ayaa caawa Nou Camp ku marti galineysa Roma kulan guusha loo wada saadaalinayo Messi yo xarfaantiisa inkastoo wax kasta laga filan karo kubbada cagta.
Wararka Labada Dhinac:
Messi waa taam waxaana la filayaa inuu ku soo bilowdo kualnka caawa kaddib markii uu keydka ka soo kacay kulankii sabtida ee Seville si uu u bad baadiyo Barca oo labo lagu leeyahay.
Tababare Ernesto Valverde ayaa rajeynaya inuu taam u noqdo Sergio Busquets kaddib markii uu tababarka ku soo laabtay.
Macallinka Roma ayaa xiddigihiisa u safray Spain ku daray Radja Nainggolan iyo Lorenzo Pellegrini iyadoo ay jirto in shaki laga muujinayo taam ahaanshahooda.
Yeelkeede, Xiddiga garabka kaga ciyaara ee Cengiz ayaa dhaawac ku seegi doona kulanka.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Barcelona vs Roma (Lugta hore ee wareega 8-da Champions League)
Goobta: Nou Camp
Goorta: 9:45 Habeenimo.
Garsoorka: Danny Makkelie (Netherlands)
Xaqiiqooyinka Kulanka:
Barcelona Waa kooxda kaliya ee aan laga adkaan La Liga ilaa iminka (23-guul iyo 7-bar baro)
Tan iyo Guul daradii 3-1 ay kala kulmeen Real Madrid Spanish Super Cup 13-kii Agoosto iyagoo ku ciyaaraya garoonkooda Nou Camp, Barcelona ayaa wax guul darro ah ku gaarin mininkooda 20-guul iyo 2-bar baro, Kaliya hal kulan ayaysan gool dhalin 23-kulan ay garoonkeeda ku ciyaartay, Getafe ayay 0-0 kula gashay 11 feebaraayo, waxana Nou Camp ku dhaliyeen muddadaas 65-gool.
Luis Suarez ayaa dhaliyay Todobo gool 10-kii kulan ee la soo dhaafay uu u ciyaara Barca iyo xulkiisa Uruguay.
Roma ayaa adkaatay afar kulan oo xiriir ah dhammaan tartamada ka hor inta aysan sabtidii bar baro 1-1 la galin Bologna, Lix guul ayay gaartay sideedii kulan ee ugu dambeeyay Serie A.
The Giallorossi ayaa guul darreysatay kaliya hal kulan sideedii ciyaar ee ugu dambeeyay dhammaan tartamada ay bannaanka ku soo ciyaarto, Shakhtar Donetsk ayaa ka soo adkaatay lugtii hore ee wareega 16-ka, waxayna guul gaartay afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay.
Sideed ka mid ah 24-ka gool ee Roma ka dhashay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan ayaa imaanayay 15-ka daqiiqo ee ugu dambeysa ciyaarta.
Safafka Macquulka ah ee Barcelona vs Roma:
Gool FM.