Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Liverpool kaliya ma riiqin Liverpool ee xataa rikoor ayey dhigtay

$
0
0

(Liverpool) 10 Abriil 2010. Liverpool caawa waxa ay sidii la filayey kaddib lugtii hore u soo baxday wereegga afar dhamamadka Champions League.

Reds waxa ay Etihad timid iyada oo difaacaneysa 3-0 natiijo ah oo ay Anfiled ugu soo garaacday arbacadii hore Mancehster City.

Marka laga yimaado in daqiiqadihii hore la khal khaliyey kaddib markii uu daqiiqaddii 2-aad gool u muuqday mid curin doono soo laabasho City ah, hadana wax dhib oo kale ah lama kulmin.

Waxa ay dhalisay laba gool oo ka kala yimi Mohamed Salah iyo Roberto Firmo taas oo isku darka goolasha ay ku soo baxday labada lug ka dhigay 5-1.

Hase ahaatee, guushii caawa intaas oo kaliya kuma ekeyn, ee Liverpool waxa ay noqotay kooxdihii ugu horreeysay ee Pep Guardiola ka badisa saddex kulan hal xilli ciyaareed inta uu ku guda jiray waayihiisa tababarenimo.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles