(Madrid) 12 Abriil 2018. Juventus iyo Real Madrid ayaa xalay isla aadi lahaa 30-ka daqiiqo ee dheeriga haddii kooxda reer Talyaani daqiiqadii ugu dambeysay laga dhigi lahayn Rigoore oo uu ka dhaliyay Ronaldo.
Laakiin laacibka reer Portugal ayaa sheegaya inuusan fahmin sababta ay Juventus uga cabanayeen Rigoorada laga dhigay maadaama ay ahayd mid sax ah.
“Ma garan sababta ay Juventus u cabanayaan,” Ronaldo ayaa ciyaarta kaddib sidaa yiri.
“Lucas gadaal ayaa laga jilaafay haddii rigoore loo dhigi lahayn, gool ayuu ahaa.
“Waan dhibtoonay, laakiin waxay naga caawineysaa inaan wax ka barano.
“Kubbada cagta wax la isa siiyay ma jiraan, waa inaad dagaalantaa ilaa dhammaadka. Real Madrid waxay dhalin kartay goolal badan, laakiin Juventus iyo Buffon aad bay u wacnaayeen.”.
Gool FM.