Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Ma ogtahay in Real Madrid ay dan wayn ku qabto bar-barihii xalay ee gool la’aanta..(Aqri warbixintan)

$
0
0

SPT_GCK_260416_Champions league semi final 1st leg, Manchester City v Real Madrid. Picture Graham Chadwick. Gareth Bale

(Madrid) 27 Abriil 2016. Inta taariikhda la ogyahay Real Madrid sideed jeer ayay bar-baro 0-0 gashay lugta hore ee kulamada Yurub, todobo ka mid ahna way guuleysatay lugtii labaad wayna soo gudubtay.

Markii ugu horreysay ay Real Madrid bar-baro goola la’aan ah gasho lugta hore waxay ahayd 1959 kulan ay la yeesheen Wiener Sport Club, kii ugu dambeeyay uu qofkasta xusuustana waxay ahayd kulankii Atletico Madrid ay 0-0 kula soo galeen Calderón. Wiilkii Man United Javier Hernández ayaa dhaliyay goolka kaliya ay ku adkaadeen lugtii labaad ee  Bernabeu kaa oo ay ugu gudbeen wareega semi-final ka.

Marka kaliya ay Real Madrid bar-baro goolal la’aan ah soo gashay lugta hore ee Yurub misane ay soo gudbi waysay waxay ahayd markii ay guul darro 3-1 kala kulmeen Spartak Moscow oo ay isku qabteen tartanak European Cup.

Waxaase yaab ah in Man City aysan weligeed soo gudbin tartamada Yurub marka ay bar-baro goolal la’aan ah ku soo gasho garoonkeeda, wayse is badeli kartaa taariikhdaas foosha xun marka ay Bernabeu ku booqato Real Madrid.

Hoos ka aqri rikoodhka u yaala Real Madrid kulamada Yurub marka ay lugta hore soo gasho 0-0 iyado oo marti ah:

baleeee

European Cup 1958-59 (Sideed Dhammaadka): Wiener Sport-Club 0 – Real Madrid 0 / Real Madrid 7 – Wiener Sport Club 1.

Cup Winner’s Cup 1970-71 (Wareega 16-ka): Hibernian 0 – Real Madrid 0 / Real Madrid 5 – Hibernian 0.

Cup Winner’s Cup 1970-71 (Afar dhammaadka): PSV Eindhoven 0 – Real Madrid 0 / Real Madrid 2 – PSV Eindhoven 1.

European Cup 1972-73 (Sideed dhammaadka): Dynamo Kiev 0 – Real Madrid 0 / Real Madrid 3 – Dynamo Kiev 0.

European Cup 1980-81 (Sideed Dhammaadka): Spartak Moscow 0 – Real Madrid 0 / Real Madrid 2 -Spartak Moscow 0.

Cup Winner’s Cup 1982-83 (Wareega 16-ka) Baia Mare 0 – Real Madrid 0 / Real Madrid 5 – Baia Mare 2.

European Cup 1990-91 (Sideed Dhammaadka): Spartak Moscow 0 – Real Madrid 0 / Real Madrid 1 – Spartak Moscow 3.

Champions League 2014-15 (Sideed Dhammadka): Atlético Madrid 0 – Real Madrid 0 / Real Madrid 1 – Atlético Madrid 0.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles