Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Mid kamid ah taageerayaasha Liverpool oo xalay tooreey la galiyay iyo UEFA oo ka hadashay

$
0
0

(Liverpool) 25 Abriil 2018 Xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ayaa war rasmi ah ka soo saaray dhacdadii xalay lagu tooreeyeeyay mid kamid ah taageerayaasha Liverpool.

Ninkaan oo da’diisa lagu sheegay 53-sano ayaa la dhiban tooreey ay galiyeen qaar kamid ah taageerayaasha kooxda Roma ka hor kulankii xalay.

UEFA ayaa sheegtay in gabi ahaanba garoomada kubadda cagta laga ganaaxayo taageerayaashii gaystay falkaas kuwaas oo haatan baaris lagu wado.

War ka soo baxay UEFA ayaa lagu sheegay in xiriirka kubadda cagta yurub uu aad uga xun yahay dhibaatadii ka dhacday magaalada Liverpool iyo taageerihii la dhibaateeyay.

Warar dheeraad ah oo la helayo ayaa sheegaya in booliisku ay gacanta ku dhigeen ilaa 2-shaqsi kuwaas oo looga shakisan yahay inay ka danbeeyeen dhibaatadii xalay loo gaystay taageeraha Liverpool.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles