( Spain ) 26 April 2018. Kadib guushoodii seddaxaad oo xariiah, Real Madrid ayaa guul ku gaartay gegiga Allianz Arena, kadib guulihii PSG iyo Juventus, Kooxda Zinedine Zidane waxeey weli muujineysa iney tahay kooxda argagaxinta naadiyaga yurub.
Carlo Ancelotti iyo Zidane ayaa laba mar guul kusoo qaaday garoonka kooxda Germany, waxeyna sameyeen in kooxda Bavarianka ay awood u yeelan weyso naadiga caasimada ee Madrid.
Kulamada kale uu hogaamiyahan reer Frenca guul kusoo gaaray meel ka baxsan garoonkiisa waxaa kamid ah Rome, Naples, Munich Paris iyo Turin.
Wuxuu dhanka kale bar baro kusoo galay magaalada Manchester gaar ahaan kooxda City iyadoo guuldaro kaliya uu kala kulmay kooxaha Wolfsburg iyo Atletico, laakiin labaduba wuu kasoo baxay wareegyadii ay ku kulmeen.
Dhan ahaantii, waa kuwo ay ku adag tahay garoonkooda marka loo fiiriyo garoomada banaanka ay kusoo ciyaaraan kulamada Champions League.
Heerka kulamad group-yada, Real ayaa kaliya guul gaarin ciyaartii ay Wemblay kula soo ciyaareen kooxda Tottenham waxaana looga adkaaday 3-1. Balse waxeey guulo kusoo gaareen garoonka kooxda Borussia Dortmund oo ay 3-1 kaga adkaadeen iyo Apoel Nicosia oo iyana ay 6-0 kaga badiyeen garoonkeeda.
Gool FM.