(Europe) 26 Abriil 2018. Marcelo ayaa xalay Real Madrid ka caawiyay inay guul dirqi ah ka gaarto Bayern Munich lugta hore ee afar dhammaadka Champions League ay kaga adkaadeen 2-1.
Laakiin qofkasta ma hadal hayo goolkiisa ee wuxuu hadal hayaa taabashadiisii ugu horreysay kubbada ee ciyaartii xalay.
Daafac reer Brazil ayaa si jeesto iyo xarago leh u qabtay kubbadii ugu horreysay uu xalay taabto ciyaartii ka dhacday Allianz Arena.
Raphael Varane ayaa waxaa ku soo xoomay saddex ciyaaryahan oo ka tirsan Bayern kuwaa oo doonayay inay kubbada ka dafaan balse wuxuu u soo gadiyay Marcelo oo isna u qabsaday si aan innaba caadi ahayn oo ilaa iminka laga hadal hayo Baraha Bulshada.
Bal adiguna ARAG sidii uu Marcelo u Xakameeyay kubbadii ugu horreysay uu xalay taabto:
Can we all just take a second to appreciate this touch by Marcelo please.
— Football on BT Sport (@btsportfootball) April 25, 2018
Gool FM.