(Munich) 28 Abriil 2018 Laacibka garabka weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Arjen Robben ayaa rajo ka leh inuu ciyaaro kulanka lugta labaad.
Arjen Robben ayaa dhaawac xili hore ah looga saaray kulankii lugta hore, kaas oo kooxdiisa loogu awood sheegtay 1-2.
Tababaraha jirdhiska kooxda Bayern Munich ayaa rumaysa in Arjen Robben uu haysto fursad yar oo uu uga qayb qaadan karo kulanka talaadada.
“Fursada Robben uu ku ciyaari karo waa mid aad u hosaysa, balse ma ahan wax aan dhici karin” ayuu yiri tababaraha jirdhiska Bayern Munich.
“Waan arkaynaa sida uu arinkaas uga jawaabo, wax walba oo karaankeena ah ayaan samaynaynaa, kadib ayaan go’aan ka gaaraynaa xaaladiisa”.
Gool FM