(Madrid) 28 Abriil 2016. Weeraryahanka Atletico Madrid Fernando Torres waxa uu daaha ka rogay in uu aad ugu faraxsan yahay guushii 1-0 ee ay ka gaareen Bayern Munich lugta hore ee afar dhamaadka Champions league.
Goolka ay gacan sare ee is aragan ku yeelatay Atlei waxaa u dhaliyey Saul Niguez.
Torres oo 90-ka daqiiqo dheelay waxa uu cadeeyey in dhiniciisa ay dhib mareen balse ugu dambeyn heleen waxii ay rabeen kahor lugta labaad ee ka dhici doonta Allianz Arena.
“Habeen cajiib ah ayuu ahaa waana u faraxsanahay jamaahiirta Atletico. Waan helnay wixii aan rabnay taas oo ahayd in aan shabaq haleelno waxaana sugeena lugta labaad,” ayuu Torres us heegay wariyeyaasha. “Waan dhibtoonay, waan dagaalanay, taasna waa waxa aan sameeni.”
Atletico waxa ay dagaalka ay ugu jirto La Liga sii wadi doonta sabtida marka ay la kulanto Rayo Vallecano.
Gool FM.