Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Waa Sidee Rajada Bayern Munich Ay Ka Qabto Robben Kulanka Real Madrid, Maxaysa Ka Yiraahdeen Wargeysyada Dalka Germany?

$
0
0

(Bayern Munich) 29 Abriil 2018. Wargeysyada dalka Germany ayaa waxay shaaca ka qaadeen go’aanka kaga aadan Arjen Robben kulanka Real Madrid ee lugta labaad wareega afar dhamaadka tartanka Champions League ee habeenka talaadada ka dhici doono garoonka Santiago Bernabéu.

Arjen Robben ayaa ku dhaawacmay kulankii lugta hore ee Arbacadii lasoo dhaafay kusoo idlaaday 2-1 kaasoo loogu awood sheegtay kooxda Bayern Munich.

Wrgeyska ugu afka dheer dalka Germany ee “Bild” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday: “Robben qeyb kama noqon doono ciyaartoyda u duuli doonta Madrid Isniinta”.

Warka ayaa waxaa intaas lagu sii daray: “Jupp Heynckes rajo yar ayuu ka qabaa inuu kusoo darsado liiska xidigaha uu ula safri doono dalka Spain, sababa la xidhiidha inuusan ka qeyb galin ilaa iyo haatan tababar buuxa ee kooxda”.

“Axad-nimada maanta ayaa gabi ahaanba lasoo afjaray rajada ku aadaneed in Robben uu qeyb ka noqdo safarka dalka Spain iyo rajadii ku aadanayd inuu qeyb ka noqon doono kulanka lugta labaad”.

Si kastaba Bayern Munich ayaa rajeeneysa inay kasoo laabato, guuldaradii kasoo gaartay kulankii lugta hore, waxayna dooneysaa in Real Madrid ay kaga soo aad gudato garoonka Santiago Bernabéu.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles