(Munich) 30 Abriil 2018 Weerar yahanka kooxda Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa weerar afka ah ku qaaday Real Madrid ka hor kulanka habeen dambe.
Real Madrid oo sanadkii hore Semi final-ka ku reebtay Bayern Munich isla markaana koobka ku guulaysatay ayaa markale Semi final-ka lugtii hore uga adkaatay 2-1.
Thomas Muller ayaa sheegay in Real Madrid ay uga adkaatay sanadkii hore laba gool oo garab dhaaf ah, isla markaana ay haatan Juventus uga soo baxeen gool ku laad aan sax ahayn.
“Waxaan xooga saaraynaa ciyaarta, waxaa jira cadaadis badan, dhamaana waala ogyahay wixii dhacay sanadkii hore, waxay dhaliyeen labo gool oo garab dhaaf ah iyo gool ku laadkii Juventus ee xiliciyaareed kaan” ayuu yiri Thomas Muller.
“Laakiin ma haboona in arimahaas ay saameeyaan jawiga ciyaarta, waan indha indheynay kulankii lugta hore si aan u ogaano qaabka ay tahay inaan u ciyaarno kulanka lugta labaad”.
“Waa inaan ka faa’idaysanaa fursadaheena, waxaa haboon inaan baahi u qabno gool dhalis, sidoo kale waa inaan helnaa fursado badan”.
Gool FM