Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Ka hor kulanka caawa ee Bayern Munich, Zidane ayaa waydiistay ciyaartoyda Real Madrid inay…!!!

$
0
0

(Spain) 01 Maajo 2018. Real Madrid ayaa caawa Bernabeu ku marti galin doonta Bayern Munich lugta labaad ee wareega afar dhammaadka Champions League iyadoo ay xusid mudan tahay inay lugtii hore kaga soo adkaadeen 2-1.

Tababare Zidane ayaa ka hor ciyaarta sheegay inuu ciyaartoydiisa waydiistay inay u ciyaaraan si aysan weligood horey Taariikhda ugu ciyaarin.

“Waxaan ka qeyb qaadan doonaa kulan wayn,” ZIdane ayaa sidaa yiri.

Sawirka la xidhiidha

“Waxaan ciyaartoydeeda waydiistay inay u ciyaaraan si aysan weligood Taariikhda u ciyaarin, maxaa yeelay waxaan dooneynaa inay u baahdaan inay gaaraan Final ka.

“Ma garanayo haddii ay na caawinayaan wixii nagu dhacay Juventus lugta labaad ee Sideed dhammaadka iyo kii Bayern Munich ee kal ciyaareedkii hore.

“Waan isku diyaarinay kulanka waxaana leenahay go’aan wayn, waxaan ciyaari doonnaa kulankeena sanadka.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles