Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Oliver Kahn Oo Ka Hadlay Qaladkii Uu Sameeyay Goolhaayaha Bayern Munich Sven Ulreich Kulanki Real Madrid

$
0
0

(Bayern Munich) 02 May 2018. Halyayga kooxda Bayern Munich Oliver Kahn ayaa Meesha ka saaray in goolhaaye Sven Ulreich uu sabab u ahaa in Bayern ay isaga harto tartanka Champions League xili ciyaareedkan.

Kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa kulankii lugta labaad ee wareega afar dhamaadka Champions League kuwada ciyaaray Santiago Bernabéu, kadib markii ay labada kooxood ku kala baxeen barbaro 2-2.

Sven Ulreich ayaa qeybtii labaad ciyaarta qalad foolxun ku hor sameeyay Real Madrid, waxaana ka faa’ideestay Karim Benzema oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta kahor inta uusan James Rodríguez kasoo barbareenin Los Blancos.

Oliver Kahn ayaa kulanka kadib la hadlay wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia, kadib markii uu Sven Ulreich si xoogan loogu dhaleeceeyay arintan iyadoo lagu tilmaamay inay tahay sababta ugu weyn ee ka harista Bayern Munich ee tartanka Champions League.

“Sida muuqata wuxuu ku fikiray laba waxyaabood oo waqti isku mid ah, wuxuu doonayay inuu kubada gacanta ku qaato, isla markaana wuxuu hadana doonay inuu banaanka u tuuro”.

“Waxyaabahan oo kale waxay ku dhacaan dhammaan goolhayayaasha, waxaana sidaan oo kale aan la kulmay kulan aan kaga hor imid Real Madrid, kadib laad xur ah uu soo tuuray Roberto Carlos, ma soo kabsan kartid maalinta xigta”.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles