( Champ’ League ) 02 Maajo 2018. Liverpool ayaa gaartay finaalka Champions League xili ay guuldaro 4-2 ah kala kulmeen dhigooda Roma kulanka lugta labaad ee afar dhamaadka koobkan.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-1 oo ay ku hor kaceyso naadiga Liverpool.
Kubad uu qalday laacibka Radja Nainggolan ayey ka faa’ideysteen cayaartoyda Reds waxaana si dag dagsiimo leh uu Firmino baas qurux badan siiyay Mane kasoo qaab taxad leh kubadda ugu dhameystiray goolka Roma.
Cayaarta labada dhinac oo aad u xiiso sareysay ayaa naadiga Roma la timid goolka bar-baraha kadib karoos ka yimid dhanka midig taaso daafaca Liverpool kubaddu is lahaa bixi ku dhiftay James Milner sidaana gool Otareeto ah ku dhashay daqiiqadii 15-aad.
Balse Liverpool ayaa mar kale hogaanka qabatay waxaana gool madax ah dhaliyay Georginio Wijnaldum kadib kubadd uu si qaldan u madaxeyay Edin Dzeko taa oo aheyd koorno.
Dabayaaqadii qeybta kowaad Roma ayaa ku dhawaatay in ay soo barbaryeen goolka lagu lee yahay markii uu kubadd ku garaacay birta goolka xiddiga Stephan El Shaarawy.
Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe kooxda Roma ayaa la timid goolka bareejada kadib markii uu goolhayaha Liverpool uu darbo ka badbaadiyay El Shaarawy balse uu ugu dambeyn goolka ku hubsaday Edin Dzeko daqiiqadii 52-aad.
Inta badan kooxda Liverpool ayaa la kulmeysay halisyo goolkeedaa iyadoo cayaartoyda Roma ay sameyeen dhawr kubadd oo goolka ah.
Balse dhamaadkii cayaarta Radja Nainggolan ayaa u keenay goolka ay hogaanka ciyaarta ku qabatay kooxdiisa markii uu darbad xoogan ka tuuray banaanka diilinta ganaaxa.
Intii lagu guda jiray daqiidaqihii dheeriga ee cayaarta Roma ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badalay Nainggolan, laakiin kagama filnaan kooxda talyaaniga ah guusha ay gaartay iney usoo baxaan finalka Champions league madaama wadarta gool ee labada cayaar ay ku idlaatay 6-7 waxaana sidaas finaalka ku tiigsatay Liverpool.
Waa markii ugu horeysay oo ay liverpool gaareyso finaalka Champions league tan iyo sanad ciyaareedkii 2007-08 waxeyna Kiev kula ciyaari doontaa 26-ka bishaan kooxda koobka xafidaneysa ee Real Madrid.
Gool FM.