Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Cadaalad ma ahayn inaan ka harno Champions League”– James

$
0
0

(Munich) 06 Maajo 2018 Laacibka amaahda ugu ciyaara Bayern Munich ee James Rodriguez ayaa cadaalad daro ku tilmaamay in kooxdiisa laga reebo Champions League.

James ayaa rumaysan guul daradii kooxdiisa ka soo gaartay Real Madrid mid aan cadaalad ahayn marka laga hadlo sidii ay u ciyaareen.

Wuxuuna intaa ku daray in kooxdiisa looga fadhiyo inay dadaasho xiliciyaareedka dambe si ay uga soo kabato niyad jabkii gaaray xiliciyaareed kaan.

“Ma rumaysni in ka haridii Bayern Munich ay ka hartay Champions League uu cadaalad ahaa” ayuu yiri James Rodriguez.

“Natiijooyin fiican ayaan gaarnay Semi Final-kii, laakiin kubadda cagta ayaa mararka qaar sidaas iska ah”.

“Haatan waa inaan ku fikirnaa sidii aan u aarsan lahayn xiliciyaareedka dambe”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles