Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Mido oo sheegay inuu ka soo horjeesan doono Mohamed Salah Final-ka Champions League

$
0
0

(Liverpool) 10 Maajo 2018 Halyeeyga reer Masar ee Ahmed Hossam Mido ayaa sheegay inuu ka soo horjeesan doono saaxiibkiis Mohamed Salah Final-ka Champions League.

Mido ayaa sheegay inuu yahay taageere Real Madrid sida caadiga ahna wuxuu cadeeyay inuu taageeri doono kooxda tababare Zidane kulanka Final-ka.

Laakiin wuxuu u rajeeyay Mohamed Salah inuu gool ka dhaliyo Real Madrid Final-ka Champions League balse uma uusan rajayn inuu ku guulaysto koobka.

“Salah si awood leh ayuu u dadaalayaa, wuxuu ciyaaray in kabadan 50 kulan xiliciyaareed kaan” ayuu yiri Ahmed Hossam Mido.

“Waxaan taageeri doonaa Real Madrid, laakiin waxaan rumaysanahay in Mohamed Salah uu gool dhalin doono Final-ka Champions League”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles