(London) 11 Maajo 2018 Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa sheegay magaca kooxda uu doonayo inay ku guulaysato Champions League xiliciyaareed kaan.
Final-ka Champions League waxaa sanadkaan isla taagan kooxaha Real Madrid iyo Liverpool, waxaana la ciyaari doonaa 26-ka bishaan.
Mauricio Pochettino ayaa sheegay inuu guusha u rajaynayo kooxda Real Madrid maadaama Liverpool ay tahay koox uu tartan kala dhexeeyo.
46 jirka reer Argentina ayaa la waydiiyay kooxda uu la rabo Champions League, wuxuuna yiri:
“Waxaan rumaysanahay in Real Madrid ay tahay kooxda ugu cad cad hanashada Champions League, waxaan doonayaa in iyagu ay ku guulaystaan waayo Liverpool waa cadawgayga horyaalka ingiriiska”.
Gool FM