(Madrid) 19 Maajo 2018 Final-ka Champions League ayaa ku soo aaday xiliciyaareed kaan bisha barakaysan ee Ramadan, dood badan ayaana laga keenay in ciyaartoyda muslimka ah ay afuri karaan si ay u difaacaan kooxdooda.
Waxaa ka qayb galaya Final-ka Champions League ilaa 5-laacib oo haysta diinta islaamka, 3-kamid ah waxay u ciyaaraan Liverpool halka 2-kale ay u ciyaaraan Real Madrid.
Ciyaartoydaas ayaana kala ah: Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Emre Can oo Liverpool ah, halka dhanka Real Madrid ay kala yihiin Karim Benzema iyo Achraf Hakimi.
Markazka islaamiga ah ee magaalada Madrid ayaa ku dhawaaqay in ciyaartoyda muslimka ah ay haystaan fursad ay ku afuri karaan Final-ka Champions League iyaga oo aan dami galin.
Sami Mushtawi oo ah madaxa markazka ayaa sheegay inay aad u adag tahay in ciyaartoyda muslimka ah ay ciyaaraan iyaga oo sooman.
Wuxuu u sheegay inay afuri karaan maadaama ay yihiin musaafiriin ka tagaya halkii ay daganaayeen isla markaana aadaya magaalada Kiev, diinta islaamka ayaana u ogolaanaysa ruuxa musaafirka ah inuu afuri karo.
Mushtawi ayaa intaa ku daray in culumada islaamku ay isku waafaqsan yihiin 48 mayl oo u dhiganta 83 Km inay tahay masaafada qofka loo ogol yahay inuu ku afuri karo haddii uu safar yahay.
“Haddii safarkoodu uu dhaafayo 83 Km waa musaafiriin, sidaas darteed waa ay u banaan tahay inay afuraan, waana inay soo gudaan maalmaha ka tagay inta aan la gaarin Ramadanka kale” ayuu yiri Mushtawi.
Gool FM