Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Waad idili kartaan hadii aan guul dareysto!”– Pep oo hadlay kahor kulanka Roji Blancos

$
0
0

pep_guardiola_things_2

(Munich) 30 Abriil 2016. Tabababaraha Bayern Munich Pep Guardiola waxa yiri: “Waad I dili kartaan” hadii dhinacayga ay guul daro kala kulmaan Atletico Madrid Champions league toddobaadka dambe.

Kooxda Germany ka dhisan hada waxa is araga looga wadaa 1-0 oo uu  ka dhaliyey Saul Niguez .

Guardiola waxa uu doortay in Thomas Muller uu keydka galiyo laakiin waxa uu ahaa go’aan uusan ka shaleyn.

“Go’aanka waxa uu ahaa kaarto,” ayuu Guardiola u sheegay wariyeyaasha. “Waxaan rabay in aan hal weeraryahan ku ciyaaro. Khibradeyda ah ku dheelida laba weeraryahan ma wanaagsana. Waxaan rabay xakameyn dheeri ah, laakiim waxaan jeclahay in aan ku ciyaaro Thomas Muller.

“Markii aan Lisbon joognay Robert Lewandowski wuu fadhiyey laakiin waan badinay. Markaa dhib ma ahayn. Ugu dambeyn, waxaa la iga rabaa in aan go’aan qaato. Wali ma aysan dhamaan, wali fursad ayaan haynaa. Hadii ay qaldanto markaa waad I dili kartaan!”

Kahor kulanka Allianz Arena, Bayern waxa ay sabtida qaabili doonta Borussia Monchenglabach.


Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles