(Liverpool) 23 Maajo 2018. Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa u jawaab celiyay qaar ka mid ah jamaahiirta Reds ee sheegay in difaaca reer Brazil Marcelo uu yahay halka kaliya ay kaga faa’ideysan karaan Real Madrid kulanka finalka Champions League.
Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa ku kulmi doona finalka Champions League, waxayna ku balansan yihiin magaalada Kiev ee caasimada dalka Ukrain.
Jurgen Klopp oo wareysi siinayay xidigii hore kooxda Liverpool Robbie Fowler ayaa waxaa daabacay wargeyska Mirror “Qof walba ayaa sheegay in Marcelo uu yahay xidig ku wanaagsan weerarka, lakiin si fiican uma difaactamo, sidaas darteed waa booska kaliya aan kaga faa’ideysan karno Real Madrid”.
“Si kastaba ha ahaatee, Real ayaa ku guuleysatay Champions League labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaana ay gaareen markale finalka”.
“Bayern Munich sidoo kale waxay u aragtay sidan oo kale, ugu dambeyna waa ay guuldareesteen, Real Madrid waxay u baahatay in ay hesho 4 fursadood si ay u dhaliso 2 gool, halka Bayern Munich ay u baahatay 8 fursadood si ay u dhaliso 1 gool”.
“Ciyaartoyda Real Madrid waxay heystaan khibrad badan ee ka imaanaya laga bilaawo madaxa iyo lugaha, mana jiraan wax daciif ah”.
“Kubadda cagta uma fududa inaad ka hadasho dhaqaaqista hal Marcelo, wuxuu kaga tagi doonaa booskan Mohamed Salah, laakiin Salah wuxuu arki doonaa Ramos”.
Gool FM.