( Champ’ League ) 25 Maajo 2018. Jurgen Klopp iyo kooxdiisa Liverpool ayaa qaatay tababarkii u dambeyay oo ay ugu diyaar garoobayaan kulanka finalka Champions League ay waji doonaan naadiga Real Madrid.
NSC Olimpiyskiy Stadium oo ah garoonka uu ka dhaci doono finaalka ayaa ahaa jawi cadceed ah oo aad u qurux badan iyagoo ay tababarka ku raaxeystay xiddigaha kooxda.
Mo Salah ayaa Hogaaminayay kooxda Tababaraneysay waxayna u muuqadan Rads kuwa u diyaar ah inay cayaar adag kaga hortagaan naadiga tartanka xafidaneysa ee Madrid.
Kooxda Liverpool ayaa dib u heshay labadeeda xiddig ee James Milner iyo Emre Can kusoo kamid ahaa tababarkii maanta.
Daawo Sawirrada tababarka Liverpool.
Gool FM.