Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Zinedine Zidane Hogaamiye aan inaba Caadi aheyn ?

$
0
0

( Madrid ) 26 Maajo 2018. Real Madrid ayaa ku guuleystay markii seddaxaad oo xariir ah tartanka Champions League iyadoo uu seddaxdaba u qaaday Zinedine Zidane tan iyo markii shaqada kooxdaas uu qabtay wuxuuna noqday hogaamiyaha France mid sagaal koob ku qaaday Los Blancos.

Tan iyo markii uu qabtay shaqada kooxda sanadkii 2016 Zidane ayaa marnaba ku harin wareegyada bux baxda ee tartanka Champions League. Isagoo ku guuleystay seddax jeer, waxaa intaa dheeri ah inuu naadiga u qaaday labo jeer koobka kooxaha adduunka, labo jeer Finalka UEFA Super Cups, hal jeer horyaalka LaLiga iyo hal mar oo Supercopa de Espana.

Xaqiiqdii, laba sano iyo bar uu macalin u yahay Real Madrid ayuu ku hantay Champions League tiro ka badan hogaamiyaashan waaxana kamida Sir Alex Ferguson, Pep Guardiola, Jose Mourinho, Vicente Del Bosque, Jupp Heynckes, Ottmar Hitzfeld iyo Arrigo Sacchi kuwaa oo dhamaantood qaaday koobka Champions League min laba jeer.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles