(Liverpool) 27 Maajo 2018. Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu kalsooni ku qabo inuu qeyb kala noqon doono xulkiisa koobka aduunka ee 2018 ee bisha soo aadan ka dhici doono dalka Russia.
Mohamed Salah ayaa kusoo qoray bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka qoraal uu kaga hadlayay xaaladiisa caafimaad wuxuuna yiri: “Waxay ahayd habeen aad u adag, laakiin waxaan ahay dagaalyahan, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin, hadana waxaan kalsooni ku qabaa inaan ku sugnaan doono Russia”.
“Jacaylkiina iyo garab istaagiina ayaa I siin doonta awooda aan u baahanahay”.
Qeybtii hore ee kulankii finalka Champions League, ayay walaac iyo murugo dareemeen jamaahiirta kubada cagta, kadib markii uu Mohamed Salah soo gaaray dhaawac uu kala kulmay difaaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos.
Salah ayaana shaki la galiyay inuu seegi doono koobka aduunka ee bisha soo aadan ka dhici doona dalka Russia, laakiin wuxuu haatan laabta u qaboojiyay jamaahiirta caalamka gaar ahaan shacabka reer Masar kadib hadalkii kasoo yeeray.
Gool FM.