Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Ronaldo oo goob fagaaro ah ku la hadlay taageerayaasha Real Madrid (Muxuu yiri?)

$
0
0

(Madrid) 27 Maajo 2018 Cristiano Ronaldo ayaa goob fagaaro ah ku la hadlay taageerayaasha kooxdiisa xili ciyaartoyda ay la dabaal dagayeen taageerayaasha.

Real Madrid ayaa ilaa haatan ku jirta dabaal dag ay la wadaagayso taageerayaasheeda magaalada Madrid kadib koobkii 13-aad ee Champions League oo ay xalay ku guulaysatay.

Ronaldo oo xalay ka caraysiiyay taageerayaasha Real Madrid ayaa caawa u dajiyay, wuxuuna uga mahadceliyay sida ay u soo xaadireen isla markaana ay farxada ula qaybsanayaan ciyaartoyda.

Makaroofanka oo wareegto ahaa ayaa soo gaaray Ronaldo, wuxuuna ku bilaabay hadalkiisa:

“Waxaan samaynay taariikh, waa waqti farxad leh, Hala Madrid, waad ku mahadsantihiin imaan shadiina, waa waqti aan la hilmaami karin, mahadsanidiin dhamaan taageerayaasha Real Madrid”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles