Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

SAWIR: Bal fiiri waxa uu sameeyay canug u dhashay dalka Japan kadib marka uu Mohamed Salah la ilmeeyay dhaawacii soo gaaray

$
0
0

(Liverpool) 28 Maajo 2018. Dhowrkii saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshada si layaab leh u qabsaday sawirka canug yar ee u dhshay dalka Japan, waxaana la arkayay isagoo ilmada ka masaxaya Mohamed Salah, kadib markii uu la ilmeeyay dhaawacii soo gaaray.

canugan yar ee u dhshay dalka Japan ayaa lagu soo daabacay baraha bulshada isagoo wata mandiil isla markaana isku dayaya in uu Mohamed Salaha ilmada kaga tirtiro shaashadda telefishinka isagoo daawanayay kulankii finalka ee Champions League ay wada ciyaareen kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

Salah ayuu dhaawac kasoo gaaray dhanka garabka bidix kulankii Real Madrid iyo Liverpool ee finalka Champions League, kadib markii uu dhaawaciisu sabab u ahaa kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos.

Sawirkan lagu soo daabacay baraha bulshada ayaa waxaa si xoogan kaga helay taageerayaasha kubada cagta, waxayna saameyn ku yeelatay gaar ahaan baraha Twitter-ka iyo Facebook waxayna arintan u dareemay mid wanaag ah.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles