(Manchester) 30 Maajo 2018 Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay ku guulaysiga Real Madrid ee koobka horyaalada yurub markii 3-aad oo xiriir ah.
Wuxuu sheegay in Real Madrid ay qabatay shaqo culus, wuxuuna cadeeyay inay mudan tahay in lagu qadariyo wax qabadkeeda.
Wuxuuna intaa ku daray inay isku dayi doonaan sidii ay uga hor istaagi lahaayeen inaysan ku guulaysan markii 4-aad oo xiriir ah.
Pep oo ka hadlay ku guulaysiga Real Madrid ee Champions League ayaa yiri:
“Waa inaad koofidaada u siibtaa adiga oo qadarinaya darteed, muhiim ma ahan marnaba inay u qalmeen koobka iyo inkale, aad ayeey u adag tahay ku guulaysiga koobkaas”.
“Ku guulaysiga Champions Leaue waa arin cajiib ah, wuxuuna ku tusinayaa nuuca ciyaartoyda ay haystaan, waxaan rajaynayaa inaan ka hor istaagno inaysan markii 4-aad ku guulaysan koobka, waxaa haboon inaan u hambalyeeyno, Zidane wuxuu qabtay shaqo cajiib ah”.
Guardiola ayaa la waydiiyay in kooxdiisu ay la wareegayso Isco suuqa xaggaagan, wuxuuna ku jawaabay: “Maya”.
Gool FM