(Europe) 31 Maajo 2018. Zinedine Zidane ayaa qorshe cajiib ah la yimid ka hor ciyaartii Final ka Champions League si uu ugu dhiiro galiyo xiddigihiisa inay koobka ku guuleystaan markii saddexaad oo xiriir ah.
Diyaar garowga ciyaartoyda ka hor kulanka wuxuu ahaa mid saameyn ballaaran leh marka loo eego dhanka tababarka iyo qorshooyinka safarka balse in sidoo kale la diyaariyo dareen ahaan waa mid sidaa oo kale muhiimad u leh.
Zidane ayaa ciyaartii Final ka Liverpool ka hor ciyaartoyda u daaray Muuqaal laga soo gaabiyay waqtiyadii ugu fiicnaa kooxda iyo sidoo kale fariimo taageere ah oo kaga imaanaya xaasaskooda iyo caruurtooda.
Dhowr ciyaartooy ayaa la sheegayaa inay xitaa la ilmeeyeen muuqaalka dhiiro galinta ah ee qiirada lahaa iyadoo ay xitaa jirtay inay saacado uun ka harsanaa kulanka Finalka ay la yeelanayeen Reds.
Muuqaalka ayuu Zidane uga gol lahaa inay ciyartoyda ka helaan dhiiro galin xoogan.
Yeelkeede, sheekadan ma ahan fikrad cusub oo Carlo Ancelotti ayaa sidan oo kale sameeyay ka hor ciyaartii Finalka Champions League ee 2014 ka dhacday Lisbon kolkaa ay Los Blancos ku guuleystay Champions League ‘La Decima’.
Gool FM.