(Barcelona) 31 Agoosto 2018. Halyayga reer Argantina iyo kooxda Inter Milan Hernán Crespo ayaa u rajeeyay in xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee kooxda Barcelona Lionel Messi uu ku guuleysto xili ciyaareedkan tartanka Champions League.
Kooxda Barcelona ayaa isku aadkii la sameeyay xalay waxay kaga beegmeen group-ka B ay kula jiraan kooxaha Tottenham, PSV iyo Inter Milan.
Hernán Crespo ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay in Barcelona uu u rajeenayo inay ku guuleystaan koobka Champions League.
“Waxaan rajeenayaa in Barcelona ay ku guuleysan doonto tartanka Champions League, waxaa la gaaray xiliga uu Lionel Messi dib ugu soo laaban lahaa booskiisa”.
“Waxa kaliya aan rabo waa inaan arko Messi oo faraxsan, waa shaqsi weyn iyo ciyaaryahan cajiib ah, waxaana hubaal ah inuu ku laaban doono xulka qaranka Argentina”.
“Waa inaan ku faraxnaa Inter Milan inay ku soo laabatay Champions League, laakiin waa inaan taxadarnaa”.
“Manchester City xili fog ama xili dhow waxay ku guuleysan doontaa tartanka Champions League”.
Gool FM.