Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

AQRISO: Rikoodhadii cajiibka ahaa ee laga diiwaan galiyay kulankii ay Atletico Madrid ugu soo baxday Final-ka Champions League…( Griezmann oo taariikh sameeyay)

$
0
0

am

(Munich) 03 Abriil 2016. Waxaan aqriste kuu ururinay rikoodhadii laga diiwaan galiyay ciyaartii ay Atletico Madrid ugu soo gudubtay final ka Champions League ee lagu qaban doono magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Halkan hoose ka aqriso:

Bayern Munich kaliya hal jeer ayay shabaqeeda ilaashatay shantiii kulan ay ciyaartay kulamada kala baxa Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Kooxdii ugu dambeysay ee Bayern Munich garoonkeeda uga adkaata tartanka Champions League waxay ahayd  Real Madrid bishii Abriil ee 2014. 4-0 ayay ku martay.

632-daqiiqo kaddib ayaa goolkii ugu horreeyay laga dhaliyay Atletico Madrid dhammaan tartamada oo idil.

6-da gool uu Alonso u dhaliyay kooxdiisa xilli ciyaareedkan tartamada oo idil wuxuu gadigood ka wada dhaliyay meel ka baxsan diilinta ganaaxa.

Goolhaye Jan Oblak ayaa bad-badiyay 30-ka mid ah 31-kii shuut ee ugu dambeeyay ee lala beegsado, innaba caadi ma ahan.

Antoine Griezmann ayaa taariikh cusub u dhigay Atletico Madrid waa ninka ugu goolasha badan ebid kooxdan tartanka Champions League 9-gool.

Griezmann ayaa ku lug lahaa 8 ka mid ah 15-gool ay Atletico ka dhalisay CL xilli ciyaareedkan (7-gool iyo hal caawin).

Kaliya Cristiano Ronaldo 16-gool ayaa ka goolal badan Lewandowski 9-gool tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Lewandowski ayaa dhaliyay 6-gool kulamada semi final ka Champions League waxaana ka goolal badan oo kaliyay Cristano Ronaldo 10-gool.

Pep Guardiola ayaa Semi-finalka Champions League lagu reebayay afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay.

Atletico Madrid ayaa soo gaartay Final-ka European Cup/ Champions League markii 3-aad, waxay horey u soo gaartay marka caawa laga reebo 1974 iyo 2014.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles