Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Nedvěd oo weerar dhanka afka ah ku qaaday garsoore Felix Brych kadib kulankii Juventus iyo Valencia

$
0
0

(Champions League) 20 Sab 2018. Waxaa iska cad in jamaahiirta kooxda Juventus ee sida weyn kaga soo hor jeeda kaarkii roosaha uu qaatay Cristiano Ronaldo kulankii xalay ay kula ciyaareen kooxda Valencia tartanka Champions League ay ka badan yihiin hal iyo labo.

Laakiin sheekada xiisaha leh ayaa waxay tahay in dadka ka carooday roosaha Cristiano Ronaldo ay xitaa qeyb ka yihiin saraakiisha sar sare ee maamulka kooxda Juventus.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca kaqaaday in madaxweyne ku xigeenka kooxda Juventus ee Pavel Nedvěd uu si caro ah ugu sheegay garsoore Felix Brych, inuu sharaxaad buuxda ka bixiyo go’aankii uu roosaha ku siiyay Cristiano.

Fal celinta uu sameeyay Pavel Nedvěd ayaa waxay ciqaab adag kaga imaan kartaa dhanka UEFA, laakiin garsooraha reer Germany ee Felix Brych ayaan wax jawaab ah ka bixinin hadalka Nedvěd, isagoo u sii dhaqaaqay dhanka qolka labiska.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles