(Turin) 22 Sab 2018 Cristiano Ronaldo ayaa dareensan in xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ay si gaar ah u beegsanayaan isaga kadib markii uu ka tagay Real Madrid.
Marca ayaa daaha ka qaaday in Ronaldo uu u arko UEFA mid isaga ula dhaqmaysa si ka duwan ciyaartoyda kale kadib casaankii lama filaanka ahaa ee la siiyay kulankii Valencia.
Xiriirka u dhexeeyay Cristiano Ronaldo iyo UEFA ayaa xumaaday kadib markii laacibku uu ka tagay kooxdiisii hore ee Real Madrid.
Xaalka ayaana sii xumaaday markii laacibku uu diiday inuu xaadiro xafladii UEFA kadib markii uu ogaaday in abaal marinta xiddiga ugu fiican yurub la gudoonsiinayo Luka Modric.
Kadib dhacdooyinkaas oo dhan waxaa xigay casaankii la siiyay kulankii Valencia, taas oo keentay in laacibku uu ka shakiyo hab dhaqanka UEFA.
Gool FM