(Spian) 23 Sab 2018. Julen Lopetegui ayaa sheegay in kulamada horyaalka La Liga ee dalka Spain ay ka adag yihiin xitaa kuwa laga ciyaaro Champions League.
Real Madrid ayaa guul muhiim oo dirqi ah kaga gaartay kooxda Espanyol garoonkeeda Santiago Bernabeu, kulankeeda 5-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain, macalinka ayaana qiray in La Liga uu yahay horyaal aad u adag.
“Horyaalka La Liga ee dalka Spain wuu ka adag yahay xitaa tartankaChampions League, laakiin waxaa muhiim ah inaan guul gaarno, waana waxa aan kulankan sameenay”.
Si kastaba laacibka reer Spain ee Marco Asensio ayaa wuxuu ahaa geesigii xalay bad baadiyay kooxda Real Madrid, kadib markii uu dhaliyay goolka kaliya ee kulankan ka dhashay, kaasoo u suuragaliyay Los Blancos in kulankan saddexda dhibcood kaga qaataan kooxda Espanyol.
Gool FM.