(Manchester) 05 Maajo 2016 – Xiddigaha kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa kasoo dagay dalka Ingiriiska, kaddib markii ay guuldarro kala soo kulmeen xalay Real Madrid Semi final-ka Champions League oo ay ku guuldarreysteen inay gaaraan final-ka tartanka.
Manchester City ayaa looga adkaaday 1-0 ay iyagu iska dhaliyeen kulankii xalay ka dhacay garoonka Bernabeu, waxaana wiilasha tababare Manuel Pellegrini ay ku guuldarreysteen inay goolkaas iska soo gudaan.
Kabtanka kooxda Manchester City oo ciyaarta dhaawac looga saaray ayaa hoggaaminayey xiddigaha City ee dib ugu soo laabtay Ingiriiska.
Ciyaartooyda kooxda Man City ayaana ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Manchester ee Ingiriiska, iyagoo aan ku qanacsanayn wixii ay kala soo kulmeen Madrid.
SAWIRRO:
Gool FM.