Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Atleti iyo Real oo qeybta libaaxa ka helay shaxdii afar dhamaadka Champions League

$
0
0

14624660078070

(Madrid) 06 Maajo 2016. Sideed ka mida 11-ka laga soo xulay afar dhamaadka Champions league toddobaadkan waxa ay ka xamaashaan Madrid, halka Bayern ayey leedahay tirada soo hartay ee saddexdda boos ah.

Jan Oblak, Juanfran, Diego Godin iyo Antoine Griezmann waxa ay ka soo galeen Atletico Madrid, waxaa la qiimeeyeen duulaankii gaadmada ku dhisnaa ee Rojiblancos halka labada daafac dhexe ay isla iyaga ka yimaadeen oo lagu daray goolhayaha.

Waa isla sida ay kuwa xifaaltanka kala dhexeeyo ee Real Madrid ay shaxda 11-ka ah ka heshay, Dani Carvajal, Toni Kroos, Luka Modric iyo Gareth Bale, kuwaas oo qasbay in goolkii iska dhaliska ahaa ee Fernando uu noqdo go’aamiyihii is aragaas, Manchester City qofna kama soo galin.

14624691949409

Griezmann ayaa dhaliyey goolkii daaqada ka saaray Bayern Munich halka dhiniciisa ay ku gaareen fiinaalaha 28-ka bishan ka dhici doona San Siro.

Bayern Munich saddex laacib ayaa shaxda ka soo gaalay waxa ayna kala yihiin David Alaba, Xabi Alonso iyo  Arturo Vidal.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles