(Madrid) 06 Maajo 2016. Real Madrid iyo Atletico Madrid kuma faraxsana sida ay UEFA u qorsheeneyso qeeybinta tikidhada fiinaalaha Champions League ee lagu ciyaari doono Milan.
UEFA waa ay laba naadi siisay min 19,000 oo tikidh halka ay keydsatay 42,000, arin ka yaabisay labada kooxood, kuwaas oo qabay in San Siro oo qaadkiisu yahay 80,000 ay fursad u noqon doonto jamaahiirtooda.
Atletico iyo Madrid ugu yaraan waxa ay doonayeen 22,000 mid waliba, waxa ayna arinkaas u sheegi doonaan UEFA marka ay maanta (Jimce) la kulmaan.
UEFA 42, 000-ka ee kursi ee ay keydsatay waxa ay u qeybin doontaa saxafiyiinta, taabegeliyeyaasha iyo amanka halka madaxweyneyaasha xiriirada kala duwan ay iyana kuraas heli doonaan.
Real Madrid waxa ay fiinaalihii 2014 diiwaan galisay 75,000 oo codsi tikidho ah marka ay Fiinaalaha Atletico Madrid Lisbon kula dheeshay, markaa dalabka kuraasta waxa uu u muuqda mid ahaan doona sidii hore oo kale.
Gool FM.