( Champ’ League ) 28 Nof 2018. Tottenham ayaa marti qaadi doonta dhigeeda Inter Milan kulamada 5-aad heerka group-ka koobka Champions League.
Spurs ayay ka go’an tahay iney guul ka gaaraan kooxda reer talyaani, taa oo dheeshii hore guul soo laabasho leh kaga gaartay San siro markii ay ug badiyeen 2-1.
Ogeysiiska Cayaarta
Tartanka: Champions League
Waqtiga: 11:00 pm ( SGA )
Garsooraha: Cüneyt Çakır ( Turkey )
Garoonka: Wembley Stadium
Wararka Labada Koox
Maamulaha Tottenham Mauricio Pochettino ayaa sheegay iney xanuun ku tahay in Juan Foyth uusan matali Karin kulanka guusha ay doonayaan Inter Milan.
20-jirkaan ayaa loo magacaabin kooxda Spurs ee tartanka laakiin laakiin waa mid aad loogu riyaaqay isagoo dhibane u ah dhaawac.
Daafaca Argentina ayaa kusoo bilaawday safka kooxda Spurs seddaxdii kulan ee u dambeysay kulamada oo ay maqnayeen Davinson Sanchez iyo Jan Vertonghen.
Goolhayaha Hugo Lloris ayaa soo laabanaya kaddib ganaax uu ku maqnaa kulankii lasoo dhaafay kasoo uu qaaday cayaartii lugta PSV Eindhoven ee bishii lasoo dhaafay.
Danny Rose ayaa sido kale loo magacaabay safka Tottenham kaddib markii uu kasoo kabtay dhaawac gumaarka ah kaasoo uu ku maqnaa ilaa bilaawga bishii October.
But Kieran Trippier , Sanchez , Mousa Dembele iyo Victor Wanyama ayaa dhammaantood dhaawacyo ku maqan.
Xaqiiqooyinka Dheeshan
Tottenham ayaa badisay labadii kulan ee gurigooda hore ugula cayaartay Inter – 3-1 2010-11 Champions League iyo 3-0 2012-13 koobka Europa League.
Inter ayaa marnaba shabaqa ilaashay shantii kulan oo ay hore ula kulantay Spurs dhammaan tartamada, inkastoo ay kulan ku fashilmeen iney gool dhaliyaan ( 3 guul, iyo 2 guuldarro ).
Kooxda guriga ayaa guuleysatay dhammaan shantii kulan ay hore u kulmeen kooxaha Tottenham iyo Inter Milan waana ( 2 guul Tottenham, iyo 3 guul Inter).
Guuldarro soo gaarta Tottenham waxaa la arki doonaa iney ka haraan koobka Champions League. Iyadoo qasaaray laba kamida seddaxdii dheel ee u dambeysay garoonkooda tartankan.
Tani waa markii u horreysay oo ay Inter ku cayaareyso tartan garoonka Wembley Stadium. Kooxaha reer talyaani ayaana ku badiyay garoonkan afar kamida shan kol oo ay hore u soo booqdeen waxayna kala yihiin (Milan v Benfica 1963 European Cup final, Parma v Royal Antwerp 1993 Cup Winners’ Cup final, Fiorentina v Arsenal 1999-00 Champions League iyo Juventus v Spurs 2017-18 Champions League).
Shaxda Macquulkaa
Gool FM.