Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Macalinka kooxda Roma oo weerar culus ku qaaday ciyaartoydiisa, kadib guuldaradii Real Madrid

$
0
0

(Champ’ League) 28 Nof 2018. Macalinka kooxda reer Talyaani ee Roma Eusebio Di Francesco ayaa si xun u weeraray ciyaartoydiisa kadib guuldaradii xalay kaga soo gaartay Real Madrid kulankii Champions League.

Kooxda Roma ayaa awoodi weesay inay kaga faa’ideysato  kooxda Real Madrid kulankii ay xalay ku soo dhaweeyeen Stadio Olimpico, kadib markii loogu awood sheegtay 2-0.

Eusebio Di Francesco ayaa kulanka kadib la wadaagay saxaafada: “Hadii aad fiiriso dhacdooyinka ciyaarta, waxaad arki doontaa marka hore, qalad uu sameeyay Federico Fazio kasoo aanan caruur ahayn”.

“Runtii waxa i dhibaya ayaa ah 2-da gool ee inooga dhashay weeraro gaadmada ah, sababa la xiriira qaladaad shaqsiyadeed ee aan sameenay”.

“Si kastaba ha noqotee khaladaadka shaqsiyadeed waxay inaga dileen ciyaarta, xili ay jirto dhibaato dhaawac, hase yeeshee, ma sii wadi karno inaan sameyno khaladaad isku mid ah marar badan, taasoo iga dhigeysa inaan u caroodo heer aanan awoodin inaan u helo erayo aan ku fasiro”.

“Waxaan u sheegay ciyaartoy dhowr jeer inay guul gaaraan ama ay barbaro galaan ugu yaraan 90-ka daqiiqo ee ciyaarta, balse waxaan arkay koox niyad jabsan kahor inta aysan dhamaanin ciyaarta, waxay u dhaqmayeen xili kasta sida inay tahay daqiiqada ugu dambeesay ee ciyaarta”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles