(Champ’ League) 28 Nof 2018. Jose Mourinho ayaa dareen farxadeed ka muujiyay kadib guushii ay kaga gaareen kooxda Young Boys kulankii xalay ee tartanka Champions League, isla markaana ay kooxdiisa Manchester United ugu gudubtay wareega xiga ee 16-ka.
Manchester United ayaa la timid goolka ay guusha kaga gaartay kooxda Young Boys daqiiqadii 91-aad, waxaana u dhaliyay Marouane Fellaini, taasoo u suuragalisay inay xaqiijiyaan u gudbitaankooda wareega xiga 16-ka ee tartanka Champions League.
Jose Mourinho ayaa kulanka kadib la wadaagay saxaafada: “Waxaan jeclaan lahaa inaan u sheego dhamaan taageerayaasha iyo ciyaartoydeyda, waxaan soo ciyaaray tartanka Champions League 14 munaasabadood ee kala duwan, xili ciyaareedka kaliya aan ka maqnaa waxaan ciyaaray UEFA Europa League waana ku guuleestay”.
“Waa inaanan iska indho tirin bad baadinta muhiimka ah uu sameeyay David de Gea, hadii uusan sidaas sameyn lahayn, kuma guuleysan lahayn 1-0, waa goolhaayaha ugu fiican aduunka xiligan la joogo”.
“Marka aad leedahay hami weyn, waa inaad heysataa goolhaayaha ugu fiican adduunka, waxaan u maleenayaa inuu doonayo sii joogitaanka halkan, wakiilkiisana wuxuu diyaar u yahay inuu sameeyo waxa uu isaga raali ku noqonayo”.
“Sidaasi darteed waxaan rajeynayaa in maamulka kooxda Manchester United ay heshiis la gaari doonaan si ay kaga saxiixdaan heshiis cusub”.
“Waxaa jiro kooxo inaga fiican, isla markaana heysta tayada ay inooga fiican yihiin, waxay heystaan hami, laakiin hadii aan inagu gaarno wareega afar dhamaadka wax walba ayaa ka dhici kara tartankan”.
Gool FM.