Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Matic oo MARMARSIYO ka dhigtay kooxaha Arsenal iyo Tottenham, kadib guuldaradii xalay ee PSG

$
0
0

(Manchester) 13 Feb 2019. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester United Nemanja Matic ayaa tusaale ahaan u soo qaatay kooxaha Arsenal iyo Tottenham Hotspur, kadib guuldaradii xalay kasoo gaartay Paris St Germain.

Nemanja Matic ayaa ku dooday in kooxdiisa Manchester United ay kasoo laaban doonto kulanka lugta labaad ay kula ciyaari doonaan Paris St Germain garoonkooda Parc des Princes.

Matic ayaa ciyaarta kadib wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay guuldaradii kasoo gaartay kooxda Paris St Germain wuxuuna yiri:

“Dhamaanteen ma faraxsani, balse waan ku faanayaa kooxdayda, waxaan ciyaarnay kubad fiican, waxaan abuuray fursado, laakiin waxaa jirta qeybo yar oo aan u baahanahay inaan horumarino”.

“Dabcan Paris Saint-Germain waxay heysataa koox weyn, laakiin anagana sidoo kale waxaan gaarnay natiijooyin fiican kulamadii aan la ciyaarnay kooxaha Arsenal iyo Tottenham’.

“Haatan gacanta sare waxaa heysata kooxda PSG, laakiin hadii aan ka faa’ideysan lahayn fursadihii aan helnay qeybta hore ee ciyaarta, ciyaarta waxay ku socon lahayd waddo kale”.

Si kastaba Manchester United ayaa guuldaro 2-0 kaga soo gaartay kooxda PSG garoonkeeda Old Trafford, kulankii lugta koowaad wareega 16-ka ee tartanka Champions League, halka kulanka lugta labaad lagu ciyaari doono garoonka Parc des Princes 6-da bisha soo aadan ee Maarso.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles