Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Kooxaha aduunka oo dhan waxay u baahan yihiin Francisco Isco”

$
0
0

(Yurub) 13 Feb 2019. Laacibkii hore xulka qaranka Netherland Rafael van der Vaart ayaa xaqiijiyay inuusan fahmi karin sababta macalinka reer Argantina ee Santiago Solari uusan ugu tiirsaneyn Francisco Isco.

Hadalka xidigii hore kooxda Real Madrid ee Rafael van der Vaart ayaa wuxuu imaanayaa kahor kulanka la wada sugayo ay caawa kula ciyaari doonaan Ajax lugta hore wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League.

36 jirka reer Netherlands ayaa tilmaamay in 26 jirka reer Spain uu yahay nooca ciyaaryahan ay u baahan yihiin kooxaha aduunka oo dhan.

Waxaa xusid mudan in Isco uu seegi doono kulanka caawa ay la ciyari doonaan kooxda Ajax, sababa la xiriira dhaawac uu qabo, balse tan iyo markii uu Solari uu noqday hogaamiyaha Real Madrid wuxuu daris la noqday kursiga keydka.

“Qof walba wuxuu u baahan yahay ciyaaryahan sida Isco oo kale, mana fahmi karo sababta uusan u ciyaarin, wuxuu leeyahay awood badan ee farsamo, si weyn ayaan u taageersanahay isaga”.

“Ajax waxay wajihi doonta kulan aad u adag waa koox aad u wanaagsan, laakiin Real Madrid waa Real Madrid, waxayna qaadanayaan waqti aad u fiican, waxayna sidaas ku cadeeyeen kulankii Madrid Derby, waxaana u arkaa inay yihiin kooxd ugu cad cad ee kulnkan”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles