(Yurub) 15 Feb 2019. Waxaa la shaaciyey ciyaaryahanka ku guuleystay abaal-marinta laacibka Isbuuca ee Champions League.
Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay goordhow in ciyaaryahanka kooxda Tottenham ee Jan Vertonghen uu ku guuleystay xiddiga isbuuca ee UEFA Champions League.
Vertonghen ayaa abaal-marintan ku muteystay bandhiggii cajiibka ahaa ee uu ka sameeyey garoonka Wembley kulankii Champions League oo ay kooxdiisa Spurs 3-0 kaga adkaatay Borussia Dortmund.
Kulankii dhexmaray Tottenham iyo Dortmund ayuu difaacan Jan Vertonghen gool dhaliyey, midkalena caawiyey, isla markaana shabaqiisa gool ka ilaashaday oo uu difaacday.
A goal & an assist at Wembley Stadium… #UCL Player of the Week = Jan Vertonghen
pic.twitter.com/RwurTaOKHB
— UEFA Champions League (@ChampionsLeague) February 15, 2019
Gool FM.