(Europe) 14 Feb 2019. Xiriirka Kubbada Cagta Yurub ee UEFA ayaa xaqiijiyay inay baaritaano ku bilaabayaan hadaladii ka soo yeeray Sergio Ramos.
Kabtanka Real Madrid ayaa afkiisa ka qirtay inuu si ula kac ah u qaatay kaarka jaalaha dhammaadka ciyaartii xalay ay 2-1 uga adkaadeen Ajax lugta hore ee wareega 16-ka Champions League daqiiqadii 89-aad.
“Been ayaa sheegayaa haddii aan iraahdo ma qasbin kaarka jaalaha, waa wax aan ka fikirayay.”, Ramos ayaa sidaa yiri ciyaarta kaddib.
Wuxuu ahaa kaarkii 3-aad ee Jaalaha uu qaato Ramos tartanka Champions League kal ciyaareedkan taa oo ka dhigan inuu seegi doono lugta labaad ee Ajax, sida muuqatana wuxuu sidaa u sameeyay si uu u yimaado weareega 8-da isagoo nadiif ah.
Yeelkeede, UEFA ayaa iminka baaritaano ku bilowday haddii dambiga lagu helana wuxuu wajihi doonaa labo kulan oo ganaax ah amaba waqti kaloo cayiman.
Ma ahan markii ugu horreysay uu Ramos sidaan oo kale kas cad u qaato kaarka Jaalaha si uu wareega xiga u yimaado isagoo nadiif ah oo waqti lumis bilaash ah ayuu Kaar ku qaatay kulan ay la yeesheen Galatasaray 2013 iyo waliba kulan uu ka hor yimid isla Ajax kal ciyaareedkii 2010/11.
Dani Carvajal ayaa sidoo kale la ganaaxay kaddib markii uu si ula kac ah kaarka Jaalaha u qaatay ciyaar ay Madrid 6-0 uga adkadeen Apoel Nicosia sanadkii tagay.
Gool FM.