(Liverpool) 16 Feb 2019. Xidiga kooxda Liverpool Andrew Robertson ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si bahalnimo ah ay ula ciyaaraan kooxda Bayern Munich.
Liverpool ayaa Talaadada soo aadan garoonkeeda Anfield ku soo dhaweyn doonto kooxda Bayern Munich, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta hore wareega 16-ka tartanka Champions League.
Daafaca garabka bidix ayaa sheegay in hadii kooxdiisa Liverpool u baahan tahay inay tagto garoonka Allianz Arena kulanka lugta labaad iyadoo natiijo wanaagsan heysata, inay muhiim tahay inay si wanaagsan u diyaar garoobaan, islamarkaana ay si fiican u ciyaaraan lugta koowaad ee lagu ciyaari doono garoonka Anfield.
“Waa inaan ku soo galnaa kulankan awoodeena oo dhan, iyagu waa koox aad u fiican, xili kastana sidaas ayay soo ahaayeen 6 ama 7-dii sano ee ugu danbeysay”.
“Sidaasi darteed waan ognahay in imtixaanku uu noqon doono mid aad u adag, lakiin sidoo kale waxaan ognahay inaan dhibaateyn karno koox kasta, waana inaan sameynaa sida ugu fiican”.
“Waxaa qabaa in koox kasta ee fiican ay ka faa’ideysan karto marka ay ku ciyaareyso garoonkeeda, waana taas wax nagala doonayo sidoo kale inaan sameyno”.
“Waxaa soo qaadanay tartanka Champions League ee aad u fiican xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxaan qabaa in jawiga xamaasadeysan ee Anfield uu door weyn ku lahaa inaan gaarno, halkii aan gaarnay”.
Gool FM.