(Barcelona) 17 Feb 2019. Ciyaaryahanka Barcelona Ousmane Dembélé ayaa ka hadlay dhowr arimood ee quseeya kooxdiisa reer Catalonia, kahor kulanka ay kooxda Lyon kula ciyaari doonaan Champions League habeenka Talaadada soo aadan.
Ousmane Dembélé ayaa u sheegay Chanel-ka kooxda Barcelona:
“Kooxda Lyon waxay heysataa ciyaartoy aad u fiican, way adag tahay in laga guuleysto, waxayna sidaas ku muujiyeen kulamadii ay la ciyaareen kooxaha Manchester City iyo PSG, waa inaan ka taxadarnaa”.
Intaas kadib Ousmane Dembélé ayaa wuxuu ka hadlay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi wuxuuna:
“Wuxuu soo bandhigayaa waxyaabo aad u cajiib ah, wuxuu kubada ka dhigaa mid fudud, markaad siiso kubada kadib waxaad arki doontaa isagoo ka sameenaya waxyaabo cajiib ah”.
“Marka uu ku gudi jiro gudaha garoonka, wuxuu weeraryahanada siiyaa xoriyad iyo xaalada wanaagsan, sababtoo ah kooxda kale waxay diirada saareysaa Messi oo kaliya”.
Gool FM.